Mareykanka oo Shiinaha ku eedeeyay in uu Dariska cabsi galinayo.........................
Posted by xassan on June 02 2018
Mareykanka oo Shiinaha ku eedeeyay in uu Dariska cabsi galinayo.........................
Extended News
Shiinuhu wuxuu gantaalo geeynayaa koofurta shiinaha si uu u cabsi galiyo argagaxna ugu beero Dalalka dariska la ah, ayuu yiri Xog hayaha arrimaha gaashaan dhigga mareeykanka James Mattis.

Isagoo jooga Singapor ayuu general Mattis Tilaabadda Beijing ku tolmaamay su’aal ku socota Yoolka xuduudaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamadda mareeykanka ee jooga Kuuriyadda koofureed aysan ku jirin arrinta ay ka wada hadlayaan Kim jong Un iyo Donald Trump.

Mareeykanku wuxuu doonayaa hubdhig buuxda oo nuclear-ka ah ayuu kacanka kuuriya ka doonayaa ayuu hadalkiisa ku daray.

Mattis ayaa shir Amaan waxaa uu ka sheegay in Xukuumadda Beijing ay Agab military geeysay Badda koofureed ee shiinaha, Agabkaas waxaa ka mind ah Gantaaladda lidka Maraakiibta iyo Madaafiicda hirka iyo Dhulka waxaana lagu wareejiyay hubkaas badda koofureed ee Shiinaha.