Saraakiisha Ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan oo sheegay in Al-shabaab ay ku dileyn Moqokori”..............................
Posted by xassan on June 02 2018
Saraakiisha Ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan oo sheegay in Al-shabaab ay ku dileyn Moqokori”..............................
Extended News
Saraakiisha ciidamada xooga ee gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay ku dileyn deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga Generaal Maxamuud Macalin Koronto ayaa sheegay in ku dhawaad 10 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay diley 5 kalane ay wax yeelo ka soo gaaraty dagaalka.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xili shalay maqribadii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan iyagoona Al-shabaab ay la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi.

Ciidamada dowlada ayaa saakay dib ila wareegay kadib markii Al-shabaab ay baneeyeen deegaankaasi, waxaana saraakiisha Ciidamadaasi ay tilmaameen in jab ay gaarsiiyeen Kooxda Al-shabaab