War deg deg ah:-Xildhibaano iyo Ciidan ku dhintay weerar ka dhacay duleedka Balcad...........................
Posted by xassan on June 06 2018
War deg deg ah:-Xildhibaano iyo Ciidan ku dhintay weerar ka dhacay duleedka Balcad...........................
Extended News
War dag dag ah:-waxaa goor-dhaw duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe ku geeriyooday Xildhibaano iyo Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Dagaal culus ayaa halkaas dhexmaray ciidankii ilaalinayey xildhibaanada iyo kooxihii soo weeraray kaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.

Labo Xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle iyo ciidankii ilaalinyey qaarkood ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen weerarkan inkastoo tiro koobka saxda ah ee khasaaraha aan weli la heynin.

Xildhibaanada Hirshabelle ee lagu dilay weerarkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin & Macalin Daahir.

Sidoo Kale Guddoomiye ku xigeenka Degmada Raaga Ceelle Muuse Afweyne iyo 4 Askari ayaa weerarkaas ku dhintay.