Ciidamada Xoogga oo Maanta kordhiyay Howlgalka ay ka wadeen wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad..........................
Posted by salaad on July 12 2018
Ciidamada Xoogga oo Maanta kordhiyay Howlgalka ay ka wadeen wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad..........................
Extended News
Wararka ka imaanaya Wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa sheegaya in Maanta ciidamada Xoogga ay kordhiyeen Howlgalka ka dhanka ah Al-SHabaab ay kla wadaan Wadadaasi.

Dadka Degaanka ayaa KNN u Sheegay in Maanta ay arkayeen ciidamada Booliska ee dhawaan la geeyay degaanka Qalimow,iyo degaanada kale oo maanta aad u adkeeyay amaanka wadadaasi.

Saraakiisha Amaanka ee ku sugan Degaanka qalimow ayaa sheegay inMaal maha soo socda ay Weerari doonaan degaanada Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan dagaalka.

Maamulka hirshabelle ayaa maalin ka hor waxaa ay Ciidamo aad u badan ay dhigeen wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe,kadib markii ay kordheen weerarada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geystaan Wadadaasi.

Dhaq-dhaqaaq ciidan ayaa maanta laga dareemayaa degaanka Qalimow iyo tuulooyinka hoostaga Magaalada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe oo ay sameynayaan Ciidamada Xoogga iyo kuwa Maamulka Hirshabelle.