Jabhada ONLF oo si Kulul ugu jawaabtay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed...................................
Posted by salaad on August 03 2018
Jabhada ONLF oo si Kulul ugu jawaabtay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed...................................





Extended News
Jabhada ONLF ayaa ku gacan seyrtey war ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed kaasoo uu ku sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ku leeyihiin 5% dhaqaalaha ka yimaada shidaalka laga soo saaro dhulka Soomaalida.

Afhayeenka jabhadda ONLF Cadaani Hirmooge ayaa ku tilmaamay qoondada uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaaraha Ethiopia mid yaab leh waxana uu sheegay in dadka Soomaalida ah aysan marti ka noqoneyn kheyraadka laga helo dhulkooda.

Hirmooge oo u waramayay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin dhul ballaaran ayna yihiin ummadda Saddexaad ee ugu badan dalka Ethiopia balse ay aaminsan yihiin inay ku jiraan gumeysi. Waxana uu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Ethiopia inay yeeshaan wadahal.

Dhowaan ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha waxa ay ku guuleysatay in ceelal shidaal ay ka qodo dhulka Soomaalida ay degto, waxaana sanadkii 2007dii weeraray ceelasha laga qodayay ciidamo ka tirsan jabhada ONLF.