Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho & Rasaas Dhaceysa iyadoo Roob Shuux Ah Uu Magaalada ka da’ayo............................
Posted by salaad on August 06 2018
Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho & Rasaas Dhaceysa iyadoo Roob Shuux Ah Uu Magaalada ka da’ayo............................
Extended News
Qarax Jug weyn ahaa ayaa mar keliya laga maqlay Abaare 7:10 Daqiiqo Caawa Magaalada Muqdisho iyadoo Roob Shuux Ah Uu Magaalada ka da’ayo.

Jugta ayaa meelo kala duwan laga maqlay waxaana qaraxa kadib la maqlay Rasaas dhaceysa,iyadoo Ismiidaamin loo maleenayo inay aheyd Gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey.

Meelo kala duwan oo aan wacay waxay ii sheegeen inaysan ogeyn halka la weeraray balse ay dhawaq weyn maqleen Gaadiidka Iscaafka ama Ambalaasta ayaa la maqlayaa codkooda waxaana la ogaan karin khasaaraha inta uu la eg yahay.


Warar Warqaad ay heshay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama,Agagaarka Guriga Shaqaalaha.