Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay xubnaha Garsoorka Maxkamadda sare ee dalka............................
Posted by xassan on August 09 2018
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay xubnaha Garsoorka Maxkamadda sare ee dalka............................
Extended News
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
Garyaqaan Axmed Cali Muuse.
Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.
Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.
Mudane Maxamuud Axmed Faarax.
Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.
Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.
Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.