Koox Hubeysan Oo Afduubtay Galabta Shaqaale Hay’ad Ka Howlgasha Gobolka Bay..............................
Posted by xassan on August 09 2018
Koox Hubeysan Oo Afduubtay Galabta Shaqaale Hay’ad Ka Howlgasha Gobolka Bay..............................

Extended News
Magaalada Baydhabo meel udhaw ayaa waxay sheegeen inay Dableey Hubeysan Gelinkii dambe ee maanta Afduub ka geysteen Halkaasi.

Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa la sheegay in Shan Qof oo Shaqaale Hay’ad Samafal ah ushaqeenayey lagu afduubtay xilli ay kusugnaayeen Tuulada Busleey oo ku dhaw Awdiinle.

Seddex Hablood iyo Labo Rag ah ayaa la xaqiijiyey inay Afduubkaasi la kulmeen,lama oga halka lala Aaday iyo Cida Afduubkooda ka dambeysay.

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya weli kama aysan hadlin Afduubkaan waxaana Laamaha Amnigu sheegeen inay wadaan Baaritaan sida wax ay udhaceenHay’ada Bisha Cas ayaa la sheegay inay Shaqaalahaan Ushaqeenayeen kuwaasi oo howlo Samafal ku jiray.

Sanad ka hor isla Awdiinle iyo Baydhabo meel udhaxeysa ayaa Shaqaale waxa ku afduubtay Ururka Al Shabaab markii lacago madax furasho lasiiyana waa lasii daayey.