Qarax lagu xiray Gaari gacan oo ka dhacay Muqdisho inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada dhimashada...............................................
Posted by xassan on September 10 2018
Qarax lagu xiray Gaari gacan oo ka dhacay Muqdisho inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada dhimashada...............................................
Extended News
Wararka laga helayo Xaafada Siinay ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lagu xiray Gaari gacan uu ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso oo lagu soo hoos qariyay Gaari gacan, kadib la soo dhigay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo qaada canshuurta ee ka tirsan dowlad federaalka soomaaliya.

Qaraxa ayaa dhacay qeybta Khudaarta Siinay, waxaana ku dhaawacmay 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Minishiibiyadda iyo labo qof oo kale oo ka mid ah dadka shacabka ah, Inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada dhimashada ah.

Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa goobta gaaray,waxaa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano,iyagoona xiray wadooyinka soo gala Suuqa Siinay ee Magaalada Muqdisho