War Culus:---Dad ay kaxeeysteen Al Shabaab oo soo baxsaday iyadoo Qaar kalena ay ku harsanyihiin....................................
Posted by salaad on September 12 2018
War Culus:---Dad ay afkaxeeysteen Al Shabaab oo soo baxsaday iyadoo Qaar kalena ay ku harsanyihiin....................................


Extended News
Todobo ka mid ah 61 qof oo ka mid ahaa dadkii degaanka Gal Qoryaale ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay afduubteen Al Shabaab ayaa ka soo baxsaday gacanta kooxihii afduubka u heystay.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo baxsaday gacanta Al Shabaab oo xiriiro kala duwan aan la sameynay ayaa waxa ay ka gaabsadeen ka hadalka sida ay ugu suuragashay soo baxsashadooda.

Lama oga dadkan intii ay ku sugnaayeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo aheyd halka lagu afduubtay waxyaabihii ay kala kulameen Ururka Al Shabaab.

Odayaal dhaqameed ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay u soo deyn lahaayeen dadka kale ee ku harsan gacanta Ururka Al Shabaab.

Dadkan gacanta ugu jira Al Shabaab oo isugu jira odayaal iyo dhalinyaro ayaa wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in qaarkood ay ku xanuunsanayaan gudaha xabsiga la dhigay.

Dadkan ayaa waxaa loo heystaa kadib markii ay Al Shabaab ka diideen bixinta lacag horey loogu balansanaa oo aheyd diyo dad horey loo kala dilay, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.