war dag dag ah:--Koox hubeysan oo Qof u shaqeeya Dowladda Ku dishay Muqdisho.................................
Posted by xassan on September 13 2018
war dag dag ah:--Koox hubeysan oo Qof u shaqeeya Dowladda Ku dishay Muqdisho.................................
Extended News
wararka laga helaya agaga gaarka masjidka Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in koox Ku hubeysan Bistoolad ay halkaasi Ku dileen mid ka mid ah shaqaale ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa KNN u sheegay in ninkan la dilay xili uu sii galayay masjidka sheekh Cali Suufi Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilalka loo geysto shaqaalaha ka tirsan dowlada iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.