Ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab oo lagu dilay Magaalada Marko iyo dagaal faraha loogu gubtay oo halkaa k..............................
Posted by xassan on September 13 2018
Ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab oo lagu dilay Magaalada Marko iyo dagaal faraha loogu gubtay oo halkaa k..............................
Extended News
Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ay magaaladaasi ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen saldhig ciidan oo guutada 14 octobar ay ku leeyihiin degmada Marko,inkastoo ciidamada Xoogga ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Saraakiisha ciidamada xoogga dalka waxaa ay sheegeen in Al-shabaab dagaalka looga dilay 9 dagaallame Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen Magaalada Marka Ee Gobalka Shabeelaha Hoose.