Digniin loo diray hay’adaha ka howlgala Gobalka Hiiraan...................................
Posted by salaad on September 14 2018
Digniin loo diray hay’adaha ka howlgala Gobalka Hiiraan...................................
Extended News
Isku duwaha wasaarada shaqada iyo shaqaalaha hirdhabelle ee Gobolka Hiiraaan Maxamed Cabdi Jaras oo maanta saxaafada kula hadlay gudaha Beledweyne ayaa digniin adag u diray hay’adaha ka howlgala Gobolka hiiraan, kuwaasi oo uu sheegay in ay wadaan isku dhaxyaac shaqo.



Waxaa uu sheegay isku duwaha in aanan la qaba karin shaqa aanay ka warheynin wasaarada shaqada iyo shaqaalaha hirshabelle la qabto.



Sidoo kale Isku duwaha wasaarada shaqada iyo shaqaalaha hirdhabelle ee gobolka hiiraan ayaa Eedeyn u jeediyay maamulka gobolka degmada iyo waliba dowlada hoose oo uu ku dhaliilay wax ka qabashada nadaafada Magaalada Beledweyne.