Madaxweyne dowlad goboleedka Sh/dhexe Dr. Waare oo Xalay kulamo ka waday jowhar.......................
Posted by salaad on October 07 2018
Madaxweyne dowlad goboleedka Sh/dhexe Dr. Waare oo Xalay kulamo ka waday jowhar.......................
Extended News
Waraka ka imaanaya Magaalada Jowhar Ee Xarunta G/Sh/Dhaxe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay magaaladaasi Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo maalin ka hor mooshin ka gudbiyay.
Kulamadan ayaa yimid kadib markii xildhibaano gaaraya 54 xildhibaan ay Madaxweynaha Maamulkaasi ka gudbiyeen mooshin xil gudasha la’aan sida ay sheegeyn.
Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uu kulanka la yeeshay waxaa uu kala hadlay in ay dib uga noqdaan mooshin ay gudbiyeen islamarkaasina arinta si hoose loo xaliyey.
Maxamed Cabdi Waare oo ku sugnaa Maalmihii dambe magaalada muqdisho ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada jowhar si uu u dajiyo xaalka jowhar oo mar qura laga war helay arimo mooshin oo ka jira.
Kulamada uu xildhibaanada la qaatay madaxweyne Waare ayaa waxaa ay xildhibaanada kaga dalbadeeyn in uu dhamaan xaliyo tabashooyinka ay usoo jeediyeen xildhibaanada sida xildhibaano ka tirsan baarlamanka Hir-shabelle ay tibaaxeyn.
Dhawaan ayeey aheyd markii madaxweynaha Hir-shabelle uu dowlada dhaxe ee dalka la galay heshiisyo lagu wanaajinayo xiriirka dowlada iyo hirshabelle,kadib markii madaxda Maamul-Goboleedyada ay hore u sheegeyn in ay xiriirka u jareen dowlada dhaxe ee dalka oo ay ku eedeyn in ay faragalin toos ah ku hayso maamul-goboleedyada.